Horjoogayaasha Raaskambooni Oo Dhaliil U Jeediyey Ciidamada Kiiniya Ka Dib Jabkii….

0

Kismaayo(AGGM) Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskamboon oo ka hadlay weerarkii xalay Alshabab kula wareegeen Xarunta Jeneraal Daauud ayaa eedeyn iyo cambaareyn u jeediyey Ciidamada Dawlada Kiiniya ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo,waxaana ay sheegeen inaysan ciidamada Kiiniya ka qayb qaadan weerarkaasi.

Horjooge ka tirsan Saraakisha Hogaamisa Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa ku dhaliilay Ciidamada Kiiniya inaysan ciidamadaasi u gurman isla markaasna aysan wax talaabo ah qaadin,waxaana uu sheegay in Saraakisha Ciidamada Kiiniya ee Garoonka diyaaradaha ku sugan markii Ciidamadaasi lagu xerenayey  Xarunta Jeneraal Daauud inay sheegeen inay ilaalinayaan amniga ciidamada halkaas lagu aruurshay.

Horjoogahan Maleeshiyaadka Raaskambooni ka tirsan oo ka dul calaacalayey Maydadkii Alshabaab ku dileen halkaasi ayaa sheegay inay maqlayeen Madaafiic iyo hugunka Rasaasta waxaana uu sheegay inay moodayeen in ciidamada Kiiniya si caadi ah u ridayeen hubkaasi,balse waxaa uu ku tilmaamay in Ciidamada kiiniya muujiyeen cadawtinimo aan yareyn.

Waxaana hadaladiisi ka mid ahaa ”aa Xarunta Labaad ee ay Ciidaamada Kenya daganyihiin halka Xarunta Koowaad ay tahay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo,oo Ciidanka ugu adage e Jubbaland ka Jooga Kenya uu daganyahay,markii Ciidamada Meesha lagu xaraynayey waxaan isla qaadanay in ay Amaanka Sugaan Ciidanka AMISOM Waan ku heshiinay Sidaas,iyaga ayaana Mas’uuliyadaas qaaday oo Taliyahooda ayaa hawshaas aan kala xajoogayn,mana garanaynin sababta ay ku dhacday in xataa loo gurman waayo Ciidankanaga”.

Waxaad moodaa in Horjoogayaaash Maleeshiyaadka Raaskambooni ay kalsooni way ka qabaan in  Ciidamada Kiiniya isla markaasna aamineen inay yihiin walaalahood oo ku ilaalinaya meel kasta oo ay joogaan,waxaana ayaan darro ah in Maalin kasta Alshabaab gudaha iyo nawaaxiga kismaayo ku laynayaan askarta Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Ugu dambeyntii waxa hadda Magaalada Kismaayo ka socda Aas baaxad leh isla markaasna lagu duugayo dhamaan Maleeshiyaadkii ku dhintey weerarkaasi oo isugu jirey kuwo la gawracay iyo kuwa rasaastu dishay,waxaana ilaa iyo hada gacanta lagu hayn Maleeshiyaadka ka badan 40 oo la aaminsan yahay inay afduubteen Alshabaab.