Xog:Maleeshiyaadka Raaskambooni oo Gabi Ahaan Isku Aruursaday Madaxtooyadda Kismaayo

0

Kismaayo(AGGM) Dhamaan Maleeshiyaadkii Raaskambooni ee ku sugnaa gudaha iyo nawaaxiga Magaalada Kismaayo ayaa la shaaciyey inay xalay gudaha u soo galeen Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegay in xitaa kuwii Xabsiyada iyo saldhigyada Magaalada Kismaayo fariisimaha ku lahaa ay isugu tageen Madaxtooyadda Kismaayo.

Magaalada Kismaayo intii aan la afurin ayaa la sheegay in ciidamadii saldhigayadda Magaalada kismaayo ku lahaa ay baneeyeen saldhgiyadoodii,waxaana ay dhamaantood isugu tageen Xarunta ay ku tilmaamaan Madaxtooyadda ee looga arrimiyo.

Arrintan ayaa lagu sheegey inay keentay cabsi badan oo ay ka qabaan Falaagada Alshabab oo shaacisay inay weerarayaan Saldhigyadda Maleeshiyaadka Raaskambooni ee gudaha kismaayo iyo banaankaba,waxaana la sheegay inay cabsi baahsan la soo deristay Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Cabsidan ayaa la sheegayaa inay keentay ka dib markii Labadii maalmood ee la soo dhaafay Alshabaab jab weyn u geysteen Maleeshiyaadka Raaskambooni ee ku kala sugnaa Duleedka Hoosingow iyo Xeradii Luglow,waxaana la sheegayaa ka aamin baxeen ciidamadii kiiniya ee kor ka ilaalin jirey kuwaasi oo aan wax gacan ah u fidin labadii weerar ee lagu soo qaaday Maleeshiyaadka Raaskambooni ee dhibka badan ka soo gaaray.

Ugu dambeyntii Ciidamada Kiiniya ayaa la aaminsan yahay inay dib uga gurteen inay difaacaan Maleeshiyaadka Raaskambooni oo awoodooda iyo kartidoodu ku soo aruurtey gudaha Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegaya inay hadda ka dhex toolan tahay Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Saraakisha Ciidamada Kiiniya oo iyagu sheegay inaysan mar kasta difaaci karin Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com