Rasna Warah: Kenya Way Ku Fashilantay Inay Gacansiiso Axmed Madoobe Oo Argagixiso Ah

0

Nairobi(AGGM) Rasna Warah oo ka tirsan saxafiyiinta dalka kiiniya ayaa ka hadashay hawlgaladda Ciidamada dawlada kiiniya ka wadaan gudaha Soomaaliya iyo ku sugnaanshahooda gudaha kiiniya,waxaana ay dhaliil culus u jeedisay dawladda Kiiniya.

Rasna Warah waxay shaacisay in dawladda Kiniya ay gacan siiso Horjogaha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana ay shaacisay inuu asalkiisu ahaa Argagixiso isla markaasna dawladu ka fiirsato kaalmadda mileteri ay siisay Maleeshiyaadkiisa Raaskambooni,waxaanay sheegtey in dawladu arrimahaasi ay ku qaldanayd.

Sidoo kale waxay shaacisay in dawladda kiiniya ay ku qaldanayd inay tageerto Maamulka Maqaarsaarka ee lagu tilmaamo Jubbaland isla markaasna Axmed Madoobe uu hogaanka u hayo,waxaana tilmaamtey in arrimahaasi oo dhan yihiin  talaabo argagixiso lagu tageeray.

Marka la fiiriyo xiiriradii Horjooge Axmed Madoobe la lahaa dawladda Kiiniya iyo Itoobiya ayaa u muuqday kuwo maalmihii la soo dhaafay meesha ka baxaya,waxaana talaabadaasi ku cadaynaya Weeraradii lagu xasuuqay Maleeshiyaadka Raaskambooni ee Ciidamada Kiiniya oo u jira wax ka yar  hal Km aysan wax gurmad ah u fidin iyo kulamadii Axmed Madoobe lagu soo karbaashay ee dhexmaray Shariif Sakiin iyo isaga.

Sidoo kale waxaa Addiis Ababa ku sugan saraakiil badan oo talaabada Axmed Madoobe ka soo horjeeda isla markaasna dawladda Itoobiya hadda muujisay inay tageereyso iyaga isla markaasna siinayso gacan mileteri iyo mid siyaasadeedba,waxaana lagu tilmaami karaa in Siyaasadii Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ay dhulka afka dartay.

Halkan ka akhriso warbixintaas oo English Ah

http://http://allgalgaduud.com/2015/06/its-not-yet-too-late-for-kdf-troops-to-leave-somalia-to-promote-peace-there/

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com