Sarkaal ka tirsan Wasaarada Beeraha Soomaaliya oo Afgooye lagu dilay

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in kooxo hubaysan Degmadaasi ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Wasaarada Beeraha Xukuumadda Somalia.

Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay Bartamaha Magaalada Afgooye, waxaana la sheegay in raggii ka dambeeyay dilka Sarkaalkaan ay meesha ka baxsadeen.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Gurufaay, wuxuuna ka mid ahaa howlwadeena Xafiiska Wasaarada Beeraha Xukuumadda Somalia ay ku leedahay Degmada Afgooye.

Goobta lagu dilay Maxamed Gurufaay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Degmada Afgooye iyo ciidanka Amisom oo halkasi ka wada baaritaano lagu raadinaayo kooxihii dilka geystay.

Dilalka qorsheysan ayaa ku sii kordhaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, xili Bisha lagu jiro ay tahay Bishii cibaadada.

Lama oga cida ka dambeysa dilka Sarkaalkaan, balse Shabaab ayaa looga bartay inay beegsadaan dadka Dowladda u shaqeeya.