TACSI:Xildhibaanada Beesha Sade oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum C/qaadir Xaaji Masalle.

0

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ku hadlayay magaca Xildhibaanada Beesha Sade ayaa ka tacsiyeeyey gaaridii ku timid eebe naxariistiisa janno haka waraabiyee C/qaadir Xaaji Maxamed Masalle oo ku dhintay magaalada London.

‘Waxaan rabaa inaan halkan uga diro tacsi eheladii, qaraabadii iyo umadda Somaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid marxuum C/qaadir oo kamid ahaa shaqsi halgan dheer usoo galay dhismaha Soomaaliya, waxaan si gaar ah anigoo ku hadlaya magaca Xildhibaanada Beesha Sade ugu dirayaa qoyska uu ka baxay ee reer Xaaji Maxamed Masalle”.

Sidoo kale waxa uu Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac si kooban uga shekeeyay Taariikh nololeedkii marxuumka waxana uu yiri ‘’Waxa uu ahaa oday ku wayn Somaaliya oo dhan, waxayna dadkii ay soo wada shaqeeyeen oo aan qaarkooda la sheekaystay ku tilmaameen in uu ku dhaqmi jiray maamul wanaag oo la dirrira xatooyada hantida qaranka iyo tan Ummadaba.