TOOS CADAADO:- Musharixiinta ku sugan Cadaado oo fursadooda saacado kaga harsan tahay

0

Guddiga doorashooyinka madaxtinimo ee Galmudug ayaa shaaciyay xiliga ay ku eg tahay araaji qabashada madaxtinimada ee maamulkaasi.

Guddoomiyaha guddigaasi Maxamuud Aadan Cismaan ayaa ka sheegay magaalada Cadaado in 1-ka bisha July ay ku eg tahay araaji qabashada marashixiinta u tartamaya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, si doorashada loo guda galo amaba ay u qabsoonto 4-ta July.

Waxaa magaalada Cadaado laga dheehanayaa diyaar-garowga loogu jiro qabsoomidda doorashadaasi Galmudug.