TOP DHAGEYSO:- Kulan looga hadlayay fahamka khaldan oo laga hayso Qurba joogta Soomaalida ah oo Muqdisho Ka dhacay.

0

Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay sida lagu sixi karo fikirka qaldan ee laga aamisnahay Soomaalida ku nool dalka dibadiisa, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno, aqoonyanao iyo mas’uuliyiin ayaa waxaa looga hadlayay sida lagu sixi karo fahamka qaldan ee laga qabo Soomaalida ku nool dalka dibadiisa ee ah inay yihiin argagixiso iyo burcad badeed, uuna soo qaban qaabiyay urur lagu magacaabo (Somali Global Relation Forum) xiriirka caalamka iyo Soomaaliya, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Guddoomiyaha Xiriirka caalamka iyo Soomaaliya Mahad Cali Abuukar oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in gacan lagu siiyo sidii fikraha qaldan ee ay bulshada caalamka ka haysato Soomaalida, waxaana uu intaa ku daray inay ka shaqeynayaan sidii arrimahaasi wax looga qaban lahaa.

“Soomaaliya maanta Caalamka magac xun ayaa ka taalo, adduunka oo dhan magacyo xun ayay noo bixiyeen, waxaan isugu nimid in aan soo cesho magacii aan ku lahayn oo aan dunida u sheegno in aan nahay dad wanaagsan oo leh dad gabyo dad sumcad leh iyo dad dhowrsan” ayuu yiri Mahad.

Qaar ka mid ah aqoonyahanadii ka qeyb galay kulanka ayaa qiray inay jirto dhibaatooyin ay Jaaliyadaha Soomaaliyeed kala kulmaan mujtamaca ay la noolyihiin, loona baahanyahay sidii arrimahaasi wax looga qaban lahaa in loo istaago,.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha dibadda ee baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar dalxa ayaa sheegay in tahay tallaabo u baahan in bulshada oo dhan ay u istaagto, lagana hortago cidkasta oo wax uu dhimeysa magaca Ummadda Soomaaliyeed.

“Shalay waxa dhulka anaga na dhigay oo sharafteena  baa bi’iyay, waxaan ka tegnay dhaqankeena, diinteena, wixii xun ayaan xarago ka dhiganayay, maanta ilaa aan ka noqono wixii qaab darro  ee anaga aan geysanay, dad Soomaaliyeed ayaa inta ay soo istaagaan ama wiil Soomaaliyeed ayaa inta uu mujtamac soo hor istaagno, intuu hadlo o oo ku faano waxbaan soo dilay, waxbaan soo dhacay, iyo gabar Soomaaliyeed ayaa soo kufsaday in mujtamaca dhexdiisa ku noolaado oo lagu fasaxo maalintaas ayaan anaga fadarownay” ayuu yiri Dalxa.

Wasiir ku-xigeenka howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahad Cumar Geedi oo ugu dambeyntii goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in si wada jir ah la isaga sidii loo soo celin lahaa sumcaddii ay Soomaaliya kulahayd dunida, loogana gudbi lahaa fikirka qaldan ee laga aaminsanyahay Soomaalida meelkasta oo ay dunida ka joogto.

“sida aad ogtihiin adduunyadan aan ku noolnahay qof aan xiriir u baahneyn ma jirto, qof waliba waxa uu cilaaqaad la leeyahay malyanis qof oo aadan adiga war uu hayn ama kuwa aad war u heyso ayaa kula shaqeeyo, adduunyadan intaan sii bur bureynay wixii hore ee naga lumay, in dad la helo oo arrimahaasi soo celiya oo arintan u istaaga, sida team-kan hadda noo muuqdo, waxaan madaxda dowladda rajynaynaa in ay na caawin doonaan team-kan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Howlaha guud.

Hoos ka dhageyso warbixin: