TOP DHAGEYSO:- Saddex qof oo xalay lagu dilay Bosaso & Gaalkacyo, iyo Dowladda Oo Ka Hadashay.

0

Taliyaha ciidanka Booliska Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa xaqiijiyay in xalay saddex qof oo rayid ah lagu kala dilay Bosaso iyo Gaalkacyo, kuwaasoo dad badan losoo qabtay dilkooda.

Gaalkacyo waxaa lagu dilay xalay labo qof oo aan la aqoon cida ka danbaysay walow Gen.Jaqanaf uu sheegay kooxdii dishay inay u baxsadeen dhanka Xaafada Baraxley ee mamulka Galmudug.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ruux meel weerdiyaynayay xalay lagu dilay magalada Bosaos, dilka qofkaasi ayuu sheegay in loosoo qabtay dad badan oo hadda baaritaan lagu wado.

Taliyeh Maxamed Siciid Jaqanaf oo la hadlayay Radio Garowe ayaa arrintan xaqiijiyay, sidoo kale waxa uu sheegay xaalada ammaan ee Puntland inuu wanaagsna yahay ayna howlgalo ammanka lagu adkaynayo ka wadaan magaalooyinka waa weyn.

Kooxda Al-Shabab ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxay falal ammaanka ka hor imaanaya ka sameeyeen magalada Bosaso, iyadoona ciidanka dowladdu falalkaasi ka hortageen.

Hoos ka dhageyso: