TOP DHAGEYSO:- Xildhibaanada Baarlamaanka “Kenya ha joojiso Darbiga Dhul boobka ah!”

0

Qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa Dawladda Kenya ku eedeeyay in ay dhul boob ka waddo Xadka labada Dal kadib markii Dawladda Kenya ay sheegtay in ay dhiseyso Darbi kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya si looga hortago Weerarrada Al- shabaab ay ka fuliyaan gudaha Kenya.

Xildhibaanada ayaa tilmaamay in dhismaha Darbiga uu ka weyn yahay qatarta ay ka digeyso Kenya ee h weerarrada Al-shabaab,waxaana ay ku baaqeen in la joojiyo dhismaha Darbigaasi oo xitaa Gudaha ugu jira qeybta Degmada Balad-Xaawo.

dhawaan ayaa dibad baxyo ka dhan ah Darbigaasi uu ka dhacay Demada Balad-Xaawo, Degmooyinka Madheera iyo Balad Xaawo ayaa la isaga gudbaa iyada oo haddii Darbigaai la dhisana ay meesha ka baxeyso Ganacsiga labada dhinac,Waxbarashada iyo dhaq dhaqaaqyadii kale ee Bulshada Labada Magaalo.

Halkan ka dhageyso Xildhibaanada Baarlamaanka oo Baaq diraya: