TOP NEWS:- Ciidanka Militariga Itoobiya oo gaaray Deegaanka Leego

0

Ciidan xoogan oo ka tirsan Ciidanka Militariga Itoobiya ayaa waxay gaareen Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo Jimcihii khasaaro xoogan loogu gaystay Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah Amisom.

Ciidanka Militariga Itoobiya oo watay gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, ayaa waxay casir liqii Isniintii ay gaareen Deegaanka Leego, iyagoona xalay ku hoyday Deegaankaasi, waxaana la arkaayay iyagoo isku ballaarinaaya Leego.

Ciidanka Itoobiya oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa waxay bilaabeen inay fariisimo ka samaystaan Leego, sidoo kalana waxay saldhigteen Xeradii Ciidanka Burundi ku lahaayen halkaasi.

Dad kooban oo ku haray Deegaanka Leego, ayaa waxay sidoo kale inoo xaqiijiyen Ciidanka Itoobiya inay dafaacyo ka sameysteen laba goobood, oo ka baxsan Xerada Leego, ayna suurta gal tahay inay fariisimahoodu kordhiyaan.

Habeenkii Axada, ayaa waxay Ciidankan ku hoydeen Deegaanka Buulo Jameeco, oo qiyaastii 20km u jirta Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, halkaasoo ayna kaga soo dhaqaaqeen Leego.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay Ciidanka Itoobiya inay wataan hub waaweyn, oo qayb ay ka yihiin madaafiicda goobta, qoriga ridada dheer BM-ka iyo taangiyo.

Sarkaalkan, ayaa ku waramaaya Ciidanka Itoobiya in loo arko inay difaaci karaan Xerada Amisom ee Leego, inkastoo Ciidanka Itoobiya ay 11-kii bishan uu khasaaro ballaaran ka soo gaaray, dagaalkii ay Shabaabka kula galeen Deegaanka Buulo Jameeco.

Leego oo ka tiran Degmada Wanlaweyn, ayaa waxay muhiim u tahay wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, si aynaan halis ugu imaan saadka Ciidanka Amisom ee Gobolka Baay.