TOOS U DHAGEYSO:- C/qaybdiid oo ka hadlay banaanbaxyada Puntland ay dhigeysay ee lagu diidan yahay Maamulka Galmudug

0

Musharaxa Madaxtinimada Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, ayaa wuxuu ka hadlay dibadbaxyada maalmahan ka dhacaayay deeganada Maamulka Puntland ee lagu diidan yahay dhismaha Maamulka Galmudug.

C/qaybdiid wuxuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay banaanbaxyada ka dhacaayay deeganada Puntland ee looga soo horjeedo Maamulka Galmudug, wuxuuna sheegay taasi bedelkeeda in laga rabay reer Puntland inay ku farxaan Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay C/qaybdiid durbaanka ay Puntland garaaceyso oo ah mid colaadeed in reer Galmudug aysan u baahneyn colaad oo ay doonayaan kuwada noolaanshaha nabadda iyo horumarka.

“Midnimada iyo Maamulka halkaan ka dhacay waxa ay aheyd inay soo dhaweysay Puntland, laakiin waa nasiibdaro inaan maqleyno durbaan la garaacayo oo ah durbaan colaadeed anaga colaad ma rabno nabad ayaan rabnaa walaalaheen sida ay u arkayaan oo ah dhibaato inay ku soo socoto anaga sidaasi uma aragno.” Ayuu yiri C/qaybdiid oo Saxaafadda la hadlay.

Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo deegaano kale oo ka tirsan Puntland shalay iyo doraad waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo Maamulka Galmudug, sidoo kalena meel looga dhacay Madaxda Dowladda Federalka Somalia.

Banaanbixii ugu dambeeyay ee shalay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ka dhacay ayeey reer Puntland ku sheegeen in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu fiiso adag ku geli doono deeganada Maamulka Puntland.

Puntland ayaa dhibaato lasoo daristay u aragtay Maamulka Galmudug oo hada noqonaya maamul dhameystiran marka la doorto Madaxweynaha Maamulkaasi.