TOP NEWS:- Gudiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la magacaabay

0

Baarlamaanka maamulka Galmudug oo maanta shir ku yeeshay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dhici doonta 4-ta bisha July.

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug Mudane Cali Casir Gacal ayaa shir gudoomiyanyay Kulanka Waxaa xaadir ahaa illaa 77 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay tirada ansixisay Guddiga doorashada, waxaana cod gacan taag ah kadib 73 Xildhibaan ayaa u codeysay, hal xildhibaan waa diiday 3 waa ka aamustay, sidaas ayaa lagu ansixiyay Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ee la magacaabay ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 9 xubnood oo leh Guddoomiye iyo Xogheyn sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Baarlamaanka Galmudug.

1