TOP NEWS:- Labo Askari oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0

Labo Askari oo ka tirsan ciidamada loo yaqaan Minashiibiyada ee Canshuuraha Uruuriya ayaa lagu dilay maanta Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Waaberi.

Dilka labadaan Askari ayaa wuxuu si gaar ah kaga dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi, xilli Askartaan ay ku sugnaayeen Suuqa Beerta oo ah goob saxmad badan.

Rag hubaysan oo Bistoolado wataa ayaa fuliyay dilka labadaan Askari, iyaga oo ka baxsaday goobtii ay ku dileen labadaan Askari.

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo wariyay in labada Askari ee la dilay ee qaabilsanaa qaadista Canshuuraha aysan wax hub ah wadan, ayna ku mashquulsanaayeen qaadista canshuuraah suuqaasi.

Beegsiga Askarta Dowladda ayaa ku badan Magaalada Muqdisho, waxaana si dhiiranaan ah Askarta dilal ugu geysta dhalinyarada Shabaabka ka tirsan ee la boodaya Bistooladaha.

Waayahan Magaalada Muqdisho waxaa ku yaraa dilalka qorsheysan ee ciidamada loo geysto, inkastoo Shabaabka ay kordhiyeen weerarada iyo beegsiga ay ku hayaan ciidamada Dowladda Bisha Ramadaan awgeed.

Maamulka Degmada Waaberi weli kama aysan hadlin dilkaan loo geystay labada Askari ee lagu dilay Degmadaasi.