TOP NEWS:- Qof qaba Cudurka Ebola oo lagu arkay Dalka Liberia

0

Todobo isbuuc kaddib markii dalka laga dhameeyay Ebola, ayaa la soo sheegayaa in qof qaba xanuunka lagu arkay Liberia.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka, Tolbert Nyenswah, ayaa sheegay in baaris lagu ogaaday wiil 17 jir ah inuu u dhintay xanuunka. Wuxuu sheegay in kooxaha ay baarayaan dhaq dhaqaaqii uu sameeyay qofkaasi maalmo ka hor dhimashadiisa. Wuxuuna faray dadka Liberia inay feejignaadaan balse aysan cabsan.

Labada dal ee galbeedka Afrika ee Guinea iyo Sierra Leone, ayaa laga soo sheegayaa inuu kordhay xanuunka isagoo ku soo aaday xilli roobaadka.