TOP NEWS:- Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Masar oo qarax lagu dilay+Sawiro

0

Xeer Ilaaliyihii guud ee dalka Masar ayaa u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qarax lala eegtay gaari uu la socday magaalada Qaahira.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Masar ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP in Xeer Ilaaliyaha Hisham Barakat uu geeriyooday.

Weerar ayaa ka dhacay degmada Heliopolis ee Caasimada Qaahira, waxaana gaariga uu saarnaa Xeer Ilaaliyaha lala beegsaday gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen.

Xeer Ilaaliyaha ayaa dhowr jeer oo hore loo hanjabay in la dili doono, kadib markii uu xukumaay dad lagu soo eedeeyay inay falal argagixiso ka geysteen dalka.

Sidoo kale waxaa uu tan iyo sanadkii 2013 la sheegay inuu maxkamadeeyay kumanaan taageerayaasha Ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Barakat ayaa xilka Xeer Ilaaliyaha Guud loo magacaabay sanadkii 2013, xilligaasoo wax yar kadibna xukunka laga tuuray Madaxweynihii sida dimoqraadiga Maxamed Mursi, kaasoo haatan Maxkamad ay ku xukuntay dil.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay weerarka lagu qaaday Kolonyada uu watay Xeer Ilaaliyaha, waxaana wararka ku saabsan geeridiisa ay yihiin kuwo hada isa soo taraya.

barakat1

1 2 3 4 5 6