TOP NEWS:- Xildhibaan Cabdi Barre oo Jawaari ugu baaqay inuu raali gelin ka bixiyo tallaabada uu ku taageeray Maamulka G/Dhexe

0

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu difaacay bannaanbixii Garoowe ka dhacay Axadii, ee looga soo horjeeday Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Wuxuu sheegay dadka reer Puntland inay si weyn u diideen tallaabada uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu bishan ku tagey Magaalada Cadaado, kuna taageeray Dhismaha Maamulka Gobolada Galgaduud iyo Puntland.

Xildhibaan Cabdi Barre wuxuu Jawaari ugu yeeray in uu raaligelin ka bixiyo tallaabadii uu ku taageeray Maamulka Gobolada Dhexe, haddii kalana uu sii socon doono kacdoonka sida uu sheegay looga soo horjeedo.

Waxa uu tilmaamay dadka reer Puntland inay diidan yihiin Waqooyiga Gobolka Mudug in lagu biiriyo Koonfurta Mudug iyo Gobolka Galgaduud. Sidoo kalana wuxuu wax Dastuurka khilaafsan uu ku sheegay, haddii Koonfurta Mudug iyo Galgaduud (oo hal gobol iyo bar ah|) loo sameeyo Maamul Goboleed.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ku dhaliilay inaanu weligii tegin deegaanada Puntland, mudadii uu xilka haayay, uuna tagey Cadaado oo lagu dhoodhoobaayo sida uu sheegay wax ka dhan ah Dastuurka.

Sidoo kale wuxuu taageeray inay shacabka dareenkooda muujiyaan, haddii ay dareemaan in lagu tumanaayo buu yiri Dastuurkii, xaqna ay u lee yihiin in dareenkoodu cabiraan.