War Cusub: Horjooge Axmed Madoobe “Somaliland Laga Bilaabo Maanta Waxaan U Aqoonsaday Dal Deris La’ah Soomaaliya”.

0

Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa maanta Magaalada Kismaayo waxaa uu Warbaahinta ugu qabtay Shir Saxaafadeed,waxaana uu uga hadlay Arrimo badan oo ay kamid tahay kala dirista Golaha wakiilada Raaskambooni iyo Soomaaliland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Maleeshiyadiisa Aqoonsadeen Soomaaliland islamarkaana uu u Aqoonsaday Dowladda ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

“Soomaaliland laga bilaabo Maanta waxaan u aqoonsanay Dowlad Madax banaan oo Soomaaliya la daris ah,waxaan u sheegeynaa Shacabka Soomaaliland in ay yihiin Dowladda Soomaaliya ka Madaxbanaan”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxii Ka Soo Korda Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media