Waxbadan Ogoow: Baroorta Orgiga Ka Weyn, Banaanbaxa Garoowe-na Ka Weyn In Xasan Sheekh Iyo Jawaari Sawiradooda Kabo Lala Dhaco.

0

Salaan iyo Marxabayn dhamaan Ummada Soomaaliyeed kadib, Soomaalida waxa ay ku maa maahaan (Badar Qabe iyo Buda Qabe Waa Ay Isu Baahan Yihiin) waxaa aad muhiim u ah in dadka Soomaaliyeed meel walbaa oo ay joogaan in ay fahmaan Ummada Soomaaliyeed marnaba inaysan kala maar mayn oo ay si walbaa ay isugu baahan yihiin.

Maamulka iyo Shacabka reer Puntland waa dad Soomaali ah oo walaalaheen ah marnabana aynaan ka maarmayn balse sidaas aan anigu qabo iyagu ma qabaan? Jawaabtu waa maya sababtoo ah.

Nidaamka Federaalka waxaan qabaa inuu yahay mid kala qub qubaya iskana horkeenaya Ummada Soomaaliyeed, balse Walaalaheen Reer Puntland waxa ay qabaan in Federaalku uu yahay mid ay iyagu ku doogsanayaan Soomaali inteeda kalena ay ku dacaroonayaan. taas oo ah mid xaqiiqda ka fog.

Hadaan usoo laabto cinwaanka qoraalkaygan ee ah Baroorta Orgiga Ka Weyn, Banaanbaxa Garoowena Ka Weyn in Xasan Sheekh Iyo Jawaari Sawiradooda Kab Lala Dhaco? maxaa sababay, maxuuse yahay ujeedooyinka dhabta ah ee ka dambeysa in sidaa xaal loo xumeeyo? waxaan is oran karaa waxaa inay sabab u yihiin arimahaan isbiirsaday ee soo socda.

1- Waxaa in mudo ah soo jiitamayay qilaaf iyo kala fogaansho baahsan oo soo kala dhex beelaha ugu tunka weyn islamarkaana udub dhexaadka u ah maamulka Puntland, taas oo sababtay in maanta ay saraakiisha maamulka Puntland qaarkood ay aruursadaan maleeshiyaad ku beel ah oo xataa ay dhacday todobaadki tagay in gudaha caasimada Puntland Garoowe ay ka dhacdo rasaas xoogan.

2- Waxaan in mudo ah la bixin amaba la siin mushaar shaqaalaha iyo ciidamada maamulka Puntland iyadoo dhaqaalihi Puntland sida aan ka soo xiganayno saaxibadeena dhow dhow in lagu bixiyay waxaan dan iyo munaasab u ahayn shacabka reer Puntland.

3-Madaxda maamulka Puntland ayaa marka ay ogaadeen in uu hareeyay guux xoogan oo ka dhan ah iyaga oo ay wadeen shacabka reer Puntland madaama kalsoonidi lagu qabay ay aad u yaraatay oo weliba la oran karo geeri ayay ku dhow dahay.

Arimahaas isbiirsaday iyo baratanka ka dhexjira Beelaha tunka weyn ee Puntland awgood ayaa waxa ay sababeen in Maamulka Puntland uu dejiyo qorshe uu ku doonayo in culeyska saaran ay u xawilaan dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya si ay indhaha shacabka reer Puntland ee kusoo jeeda ay isaga sii jeediyaan dibna ugu helaan taageeradi shacabkooda.

Madaxda Maamulka Puntland oo eegaya Kalsoonida shacabka ee ay lumiyeen iyo sidoo kale Mowjada culus ee Siyaasad iyo Dhaqaale ee uga soo fool leh Maamulka loo yagleelay gobolada dhexe ee Soomaaliya (Galmudug) ayaa sabab u ah in maamulka uu abaabulo dib baxyo ka dhan ah Madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya waana xaqiiqo dhab ah oo la wada ogsoon yahay.

Maamulka Galmudug Culeys Intee Le’eg ayuu ku yahay maamulka Puntland?

Maamulka cusub ee Galmudug ee loo yagleelay gobolada dhexe ee Soomaaliya waxaa xaqiiqo ah in culeeys siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ku yahay Maamulka Puntland.

Aan ugu hormaro Dhanka Siyaasada, Maamulka Galmudug waxa uu mideynayaa dhamaan beelaha daga gobolada dhexe ee Soomaaliya taas oo meesha ka saari doonta in Puntland ay dadka dagan gobolada Dhexe sidii ay horey ulla macaamili jirtay ay meesha ka baxdo, taas oo ahayd beel beel, balse marakan noqonaysa Maamul beelahaa oo dhan matala inay la macaamisho, sidoo kale waxa meesha ka baxaya handadaadi iyo baadi joogtada ahayd ee Puntland ku hayn jidhay dowladda dhexe ee Soomaaliya, anoo intaas ka badan aan kusii fogaanayn arrimo badan oo jira awgood.

Dhanka Dhaqaalaha maamulka Galmudug, maamulku waxuu yeelanayaa mudo gaaban gudaheed Deked gaar ah oo lagu wado inay noqoto Hobyo, dekedaas oo loo siticmaali doono badalka dekeda Boosaas.

Shacabka gobolada dhexe 100% badeecadahooda waxa ay kasoo iibsadaan ama kasoo dagsadaan dekeda Boosaaso ee maamulka Puntland, Haddii Maamulka Galmudug uu furo dekedda Hobyo waxaa soo deg degaya ama dhici doonto in ay aad u yaraadaan adeegsiga dekedda Boosaaso taas oo sababi doonto in maamulka Puntland ay soo wajahaan dhaqaalo Xumo sababi kara in maamulka iyo shacabka iska hor yimaadaan ama soo kala dhexglaan fur fur Siyaasadeed iyo kacdoon shacab, maadaama dhaqaalaha ugu badan (Canshuurta) xoogeeda laga helo dadka daga gobolada dhexe.

Dhanka Kale inta badan hay’addaha Caalamiga ah waxay xarumo amaba xafiisyo ku leeyihiin deegaanada maamulka Puntland gaar ahaan Garoowe iyo Gaalkacyo, Hay’addaha NGO-yada ka hoowlgala gobolada dhexe dhamaantoodna amaba intooda badan waxay hoostagaan ama ka diiwaan gashan yihiin Garoowe iyo Gaalkacyo, Wakiilada iyo shaqaalaha ugu badan ee ka shaqeeya hay’addahaas caalamiga ahna 90% waa dad u dhashay Puntland, marki la dhameystiro dhan walba maamulka Galmudug waxaa dhacaysa in dhamaan hay’ddahaas Caalamiga ah ay xarumo iyo xafiisyo ka furtaan caasimada Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb Wakiilada iyo shaqaalahana ay noqdaan dad kasoo jeeda Gobolada Dhexe ee Soomaaliya, lagana maarmo Garoowe iyo Gaalkacyo Hay’addihii xafiisyada kulahaa.

Ugu danbeyti iyo dar daarankayga ku wajahan Puntland, Somaalida waxay ku maa maahaan (Waxaad Barato Waa Baaskaa) shaqsiyan aniga waxaan qabaa in Maamulka iyo Shacabka Puntland aad xaq u leedihiin inaad qaylisaan amaba aad banaan baxdaan, sababtoo ah waxaad barateen oo in mudo ah ku nooleedeen ayaad weynaysaan, balse Walaalayaal Puntland dhibtan idin soo wajahaysa waa dhibaataad adinku usacaba tumeyseen amaba aad doonayseen, waxaan idinka codsanayaa yaanan arag adinkoo leh Dowladda Soomaaliya waan ka baxnay amaba waan ka Go’anay ama Nidaamka Federaalka ah waan diidnay ee halaga laabto, Federaalka Soomaali dan umma aahane.

W/Q: Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
(Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg)