XOG:Xasan Sheekh oo lacago ku raadinaya taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka ee Beelaha Hawiye+Warbixin

0

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu bilaabay olole uu isaga qafiifinaayo culeyska xilligan kaga soo wajahan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaaya shirar gaar gaar ah oo ay lee yihiin Xildhibaanada tiiyoo lagu doonaayo in Mooshin looga keeno Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Xildhibaanadu ay u arkaan mid gaabis ah.

Muddooyinkanba waxaa soo badanaayay dhaliilaha loo jeedinaayo Dowladda uu hogaanka u haayo Madaxweyne Xasan Sheekh iyadoona loo arko mid Maamulkeedu uu ku kooban yahay Magaalada Muqdisho.

Arrimaha ugu waaweyn ee Madaxweynaha lagu haysto, ayaa waxaa laga xusi karaa Dowladda oo ka gaabisay la dagaalanka Al Shabaab, inaanay bixin mushaaraadka Shaqaalaha, Ciidamada iyo Xildhibaanada. Waxaa kaloo Madaxweynaha lagu haystaa inaanu hagaajin xiriirka kala dhaxeeya Maamul Goboleedyada.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si xoogan Madaxweynaha Somaliya ugu eedeeyay inuu ka gaabiyay waxa loo doortay, Dowladiisuna ay tahay mid aan dhaqaaq badan lahayn.

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa Warbaahinta u sheegay Xafiiska Madaxweynuhu inuu qaaday tallaabooyin looga gaashaamanaayo hujuumka kaga soo fool leh Xildhibaabanada. Xafiiska wuxuu isku deyayaa inuu marka hore hanto kalsoonida Xildhibaanada Beelaha Hawiye.

Xildhibaanada Beelaha Hawiye ayaa waxaa kalsoonidooda lagu raadinayaa tobonaan kun oo dollarka Mareykanka wuxuuna Xafiiska Madaxweynuhu wadaa inuu siyaabooyin kala duwan u qaabilo Xildhibaanada.

Waxaa kaloo jira Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Madaxweynaha PDP oo iyana ka qayb qaadanaaya doorka lagu soo jiidanaayo Xildhibaanada, si aan qalqal loo gelin in Madaxweynuhu uu sii jooggo Xafiiska Shaqada.

Madaxweynaha oo toddobadkan Magaalada Muqdisho kula kulmay Siyaasiyiinta PDP, ayaa wuxuu kala hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin, sidii loo hakin lahaa abaabulka xoogan ee Xildhibaanadu ka wado Caasimadda.

Lama garanaayo waxa ay natiijadu noqon doonto, balse waxaa la tilmaamaa Xildhibaanada in lagu dhaliilo musuq maasuq iyo in wax kasta ay ka horumariyaan jeebabka oo loo buuxiyo.

Dadka Somaliyeed, ayaa qaarkood waxay ku sheegayaan inay ka niyad jabeen Dowladda Madaxweyne Xasan, isla-markaana ay meesha ka baxday rajadii laga qabay in is bedel weyn uu samayn doono, markii uu xilku qabanaayay.