AKHRISO: Warbixin ku saabsan safarka Obama ee Ethiopia .

0

Booqashada Obama ee dalka Ethiopia ayaa leh wajiyo badan, wuxuuna noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay oo American ah oo booqda magaalada Addis Ababa, waxaana usii dheer inuu yahay madaxweynihii ugo horeeyay oo Mareykanka ah oo khudbad ka jeediya xarunta Midowga Africa oo dowlada Shiinaha ay dhistay.
Marka arimahaasi laga soo tago booqashada Obama ee Ethiopia iyo Kenya waxay leedahay wajiyo badan, waxaana ugu muhiim dhanka amaanka, ganacsiga iyo maalgashi Mareykanka uu ku sameeyo labada dal oo deri la ah Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo shalay ka hadlayay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay waxyaabaha uu kala hadlay Obama kamid tahay amaanka iyo sida loo kordhin karo iyagoo taageero ka helaya dalka Mareykanka, waxaana lasoo hadal qaaday dalalka Sudanta Koofured iyo Soomaaliya.
” Waxaan ka doodnay inta ka harsan arimaha la xiriira amaanka iyo dhismaha nabada ee gobolka iyo doorka Mareykanka uu awoodo in uu ka ciyaaro, waxaan isla garanay inaan sow ula shaqeyno Koofur Sudan si loogu keeno nabad dalka dagaalada ay aafeeyeen”.

“Waxaan labadeena isku raacnay inaan si wadajir ah uga shaqeyno dhismaha nabada Soomaaliya, iyagoo laga caawinayo amni darada, dhismaha hayadaha dowliga iyo xoojinta ciidamada amaanka Qaranka Soomaaliya, si ay u hantaan amaanka dalkooda”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Ethiopia.

Madaxweyne Obama dhankiisa wuxuu mahad celin usoo jeediyay dowlada Ethiopia oo uu sheegay in waqti badan ay amaan iyo soo dhaweyn u fidiyeen dad kasoo qaxay dalalkooda oo ay kamid yihiin dad ka yimid dalka koofurta Sudan iyo kuwo deris la ah Ethiopia.

“Waxaan ugu mahadcelinayaa Ethiopia qarniyada ay u gargaarka u fidisay boqolaal kun oo kasoo qaxay dalka koofurta Sudan iyo dagaalada ka jirta gobolka, waxaana ogaaneynaa wax walbaa waa in la joogtaa sida ka hortaga faqriga, horumarka, amaanka sidoo kale waxay ku xiran dowlad wanaaga”.ayuu yiri Obama.

Waxyaabaha ugu badan ee lagu amaanay dowlada Ethiopia waxaa kamid ah iska caabinta weerarada Alshabaab ay ku qaadaan wadamada kale ee a y ciidamadooda ka joogaan, waxayna taasi dhalisay in kulanka labada masuul lagu soo hadal qaado howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, sida uu sharaxayo ra’iisul wasaaraha Ethiopia.

“Waxaan isla garanay in la xoojiyo ololaha ka dhanka ah amni darada gobolka, waxaana labada wadan amaaneeynaa guulaha ciidamada AMISOM iyo ciidamada qaranka Soomaaliya ay sameynayaan, oo ay ku taageerayaan dowlada Mareykanka iyo dowladaha saaxiibada la ah dagaalkooda ka dhanka ah Alshabaab, sidoo kale waxaan isla garanay kordhinta arimaha sirdoonka labada dal iyo heer gobol”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Ethiopia.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo hadal qaaday arin aad loogu dhaliilo dowlada Ethiopia oo ku aadan caburinta Saxaafada iyo dhowrid la’aanta xuquuqda aadanaha.

“Waxaan ka doodnay hababka Ethiopia ay ku muujin karto horumarka dowlad wanaaga, difaaca xuquuqda aadanaha iyo xuriyada, iyo kordhinta Dimuqraadiyada, waana halka aan oo hoose u eegnay intii aan wadahadleynay, maxaa yeelay waxaan si adag u aaminsan ahay iney tahay kaalmo la siiyay dowlada Ethiopia iyo shacabkeeda”.