Top News: Axmed Macalin Fiqi” Ma jirto Cid la Tar tami Karta Sanduuqda Dowlada”

0

Musharaxii Madaxweyne ee Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi  ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo doorashada Madaxweyne ee uu kaga guuleystay Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Fiqi ayaa sheegay  in uu mahad celinayo dhammaan Dadkii kala qeybgalay olalihiisa, doorashada isaga oo ugu hambalyeeyay Cabdikariin guushiisa doorashada uu ka gaaray.

Mr Fiqi ayaa wareysi uu siiyay VOA, waxa uu ku sheegay in Dowladda ay sabab u tahay guuldaradiisa, taasi oo uu sheegay in dhaqaalaha ugu badan ay ku bixineysay Musharaxa ay ishayeen C/kariin Xuseen Guuleed.

“aniga waxaan ahaa shaqsi kaliya oo ku kalsoonaa naftiisa, majirin cid aan aheyn bulshada oo I garab taagnayd lakiin nasiib xumo Dowladda ayaa iga hiilisay” ayuu yiri Cabdi Kariin Guuleed.