TOP NEWS:- Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku kulmaya

0

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa  maanta kulan ku yeelanayo Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho waxana lagu wadaa in ay  go’aamiyaan xilliga loo coddeynayo guddiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka.

Xildhibaan Maxamed Cumar  Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay Ajendaha Barlamaanka ee maanta uu yahay in xildhibaanada loo qaybiyo taariikhda xubnaha ka midka ah Guddiga Madaxa bannaan  ee  xuduudaha iyo doorashooyinka.

Baarlamaanka federaalka  Soomaaliya ayaa horay loogu soo gudbiyay xubnaha ka mid ka ah labada Guddiga ee madaxa bannaan oo kala  ah guddiga Doorashooyinka iyo guddiga  Xuduudaha oo uu horay u Soo Gudbiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa “ iyada oo maanta xildhibaanada loo qaybi doono nuqullo kamid ah  taariikh nololeedka Xubnaha Guddiyada.