DHAGEYSO:- Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulan ku yeeshay Muqdisho kana hadlay Arrimo badan

0

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ay Maanta ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa loogu qeybiyay taariikh nololeedka xubnaha guddiyada madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo guddiga Xuduudaha iyo federaalka oo iyagu ka kooban min Sagaal xubnood

Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Jeeylaani Nuur Iikar oo Kulankii Maanta shir Guddoominayay ayaa Xildhibaanada ku war geliyey iney soo akhristaan taariikh nololeedyada loo qeybiyey mudo 24 saac ah kadibna la gudageli doono ka doodista iyo ansixintooda.

Dhinaca kale Guddiga Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u yeertay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta maalgashiga si ay su’aallo uga weydiiyaan arimmo dhowr ah oo ay ka mid tahay dacwada xuduud badeedka ah ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa markii uu kulankaasi soo gebageboobay saxaafadda u faah faahiyey waxyaabihii ay maanta weydiiyeen Wasiirka Arrimaha dibadda.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta Maalgashiga ah ee Dowladda Soomaaliya Mudane C/salaan Hadliye Cumar oo isna dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay iskaashiga dhex maray Guddiga iyo Wasaaradda taasina ay muujineyso isla xisaabtan dhab ah.

Kulamadii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeeshaan Muqdisho ayaa waxa Su’aalo lu weydiinaayay qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.