Top News: Calanka Shiinaha oo lagu gubay dibadbaxyo ka dhacay dalka Turkiga+Sawiro

0

Banaanbaxyo waaweyn oo ka dhan ah Dowladda Shiinaha, ayaa gil gilay Magaalooyinka Wadanka Turkiga, iyadoo dhinaca kalana lagu gubay Calanka Shiinaha.

Tani, ayaa waxay ka dambeysay markii Dowladda Shiinaha ay Muslimiinta dalka Shiinaha u diiday inay Soomaan bisha barakaysan ee Ramadan. Muslimiinta Shiinaha oo loo yaqaano Uighur, ayaa waxay ku badan yihiin Gobolka Xinjiang.

Shacabka Turkiga, ayaa waxay si xoogan kaga caroodeen ficilka foosha xun ee Dowladda Shiinaha kula dhaqaaqday Muslimiinta dalkaasi, waxayna dadka Turkigu ku baaqeen in cilaaqaadka loo jaro Shiinaha.

“Dadka Uighurs waa walaalaheen, waxaana ku noqonay caqiidada. Ma jirto wax khalad ah oo ay sameeyen. Waxa lagu haysto ayaa ah maxaad Muslimiin u noqoteen?” ayuu yiri Muhammet Gokce oo ka mid ahaa bannaanbaxayaasha.

Dalxiisayaal u dhashay Shiinaha, ayaa siyaabooyin kala duwan loogu weeraray dalka Turkiga, xilli ay ka socdeen dibadbaxyada ka dhanka ah Shiinaha, iyadoona jawaab looga dhigaayo sida khalafsan ee Shiinuhu ula dhaqmay Muslimiinta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay kaga digtay in dadkeeda ay u socdaalaan dalkaasi Turkiga, si aynaan waxyeelo kaga soo gaarin bulshada dalkaasi.

Dibadbaxyadan oo toddobaadkan ka bilowday Turkiga, ayaa waxaa suurta gal ah in maalmaha soo socda, ay ka dhacaan goobo kale oo dalkaasi ka tirsan.

Xiriirka labada dal, ayaa noqday mid xadidan, tan iyo markii Xukuumadda Beijing ay si adag u diiday in Muslimiinta dalkeeda, ay gutaan waajibaadka bisha soonqaad.

1

Demonstrators set fire to a Chinese flag during a protest against China near the Chinese Consulate in Istanbul, Turkey, July 5, 2015.  REUTERS/Osman Orsal

Demonstrators set fire to a Chinese flag during a protest against China near the Chinese Consulate in Istanbul, Turkey July 5, 2015. REUTERS/Osman Orsal

Demonstrators shout slogans during a protest against China near the Chinese Consulate in Istanbul, Turkey July 5, 2015.  REUTERS/Osman Orsal