Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo si rasmi ah isaga baxay Degmada janaale

0

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa waxay saqdii dhexe ee xalay ay isaga baxeen Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose xilli ay soo wajahday baqdin ka dhan ah weerar kaga yimaada mintidiinta Al Shabaab.

Ciidankan oo watay gaadiidka dagaalka ayaa waxaa la arkaayay caweysnimadii xalay iyagoo u diyaar garoobaaya ka bixistooda Degmadaasi, waxaana saqdii dhexe u suurta gashay inay si rasmi ah kaga baxaan.

Taliyaha Ciidanka Xooga ee aagga Degmada Janaale, Korneyl Axmed Absuge, oo horkacaayay Ciidankan, ayaa waxay gaareen Deegaanka Laanta Buurow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaan iyagu wax fariisimo ah ku lahayn Degmadaasi, laakiin waxay ku sugan yihiin wadada xiriirisa Deegaanka Mubaarak iyo Degmada Janaale.

Ibraahim Nuur Cali oo ka mid ah bulshada ku nool Degmada Janaale, ayaa sheegay in Ciidanka Militariga Soomaaliya inay si rasmi ah kaga baxeen Degmadaasi.

Ibraahim waxa kaloo uu sheegay inay taasi ka dambeysay Shabaabka oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada duleedyada Degmada Janaale, ayna dareen baqdin leh ku keentay Ciidanka Dowladda, oo aan aysan tasiilaad ku filan, haddii weerar weyn uu kaga yimaado mintidiinta.

Toddobaadkii la soo dhaafay, ayay Ciidamada Dowladda iyo Amisom isaga baxeen goobo, ay horey kaga jooggeen Gobolka Shabeellaha Hoose, wixii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Deegaanka Leego, oo askar badan looga dilay Amisom.