Top News: Ciidamada Kiiniya Oo Ka Baxaya Kudha Iyo Raskamboni & Horjoogayasha Raskambooni Oo …..

0

Kismaayo(AGGM) Ciidamada dawladda kiiniya ee muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa Jasiiraddaha Raaskambooni iyo Kudhaa ayaa daboolka ka qaaday inay ciidamadooda kala baxayaan Farisiimahaasi isla markaasna ay dib ugu laabanayaa nawaaxiga Magaalada Kismaayo.

Saraakisha hogaamineysa ciidamada Kiiniya ayaa la sheegay inay ku wargeliyeen Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni inay dib halkaasi uga baxayaan,waxaana la sheegayaa in Maleeshiyaadka Raaskambooni laftooda ay halkaasi ka baxayaan maadama ay ku joogaan halkaas awoodda ciidamada Kiiniya.

Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegay inay saacadihii la soo dhaafay ku mashquulsanayeen codsiyo ay u dirayaan Saraakisha sare sare ee Ciidamada Kiiniya isla markaasna ka codsanayeen inay halkaasi ku sugnaadaan ila inta degaanada kale la xoreynayo. Balse Saraakisha Kiiniya ayaa la sheegay inay arrintaasi ku gacan sayreen kuna adkeysteen inay ciidamadooda kala baxayaan halkaasi maalmaha soo socda hawlgalkoodii ay u joogeen Kudhaa iyo Raaskambooni uu soo dhamaaday.

Mudooyiinkii u dambeyey waxaa Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Saraakisha ciidamada Kiiniya u dhexeyey khilaaf baahsan kaasi oo gaarayn inaysan ciidamada Kiiniya u u gurman iyadoo Alshabaab xasuuqayaan ciidamo ka tirsan Raaskambooni oo lagu weeraray duleedka Kismaayo iyo duleedka Hoosingow ee Waldiina.

Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegaya inay halkaasi ka aruursanayaan qalabkooda isla markaasna ka daba guurayaan Ciidamada Kiiniya oo dib ugu soo laabanaya gudaha Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha,waxaana la sheegaya inaysan Maleeshiyaadka Raaskambooni halkaas ku sii sugnaan karin maadama hadda ka hor xasuuq baahsan Falaagada Alshabaab halkaasi ugu geysteen.

Ugu dambeyntii wararka qaar ayaa shaacinaya in sidoo kale Ciidamada Kiinya ay soo foodsaartay cabsi baahsan oo uga timid Alshabaab iyagoo og Xasuuqii Falaagada Alshabaab u geysteen ciidamadii Burundi ee degaanka Leego ku sugnaa,waxaana la sheegayaa in talaabadaasi keentay inay Kiiniya ciidamadeeda ka soo saarto dhulka Jasiiradaha iyo hawdka isugu jira ee gobolka Jubadda Hoose.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media