DAAWO SAWIRADA: Dowlada Soomaaliya oo dib gacanta loogu galiyay dhismaha safaarada Soomaaliya ee Talyaaniga.

0

Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa xukuntay in  Dhismaha safaaradda Soomaaliya oo ku taala magaalada Rome si rasmi ah loogu wareejiyay mas’uuliyiinta safaaradda kadib markii muddo 10 sano ka badan ay gacanta ku haysay shirkad laga leeyahay dalkaasi.

Jeneral Muuse Xasan Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in muddo kaddib Soomaaliya ay soo ceshatay gurigii safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga oo shirkad ajnabi ah ay ku ganacsaneysay, waxaana uu tilmaamay in  maanta ay u dabaaldageen in ay hantiyeen gurigii Safaaradda.

Safiirka ayaa ka hadlay sida ay ku timid in dib gacanta Soomaaliya ay ku soo celiyaan daartii Safaaradda Dalka Talyaaniga dacwada badan uu furay qareeno uu qabsaday taasi oo sababtay in gacanta Soomaaliya lagu soo celiyo, waxaana guul uu ku tilmaamay in ay ku guuleesteen dacwada arinkani ay ka galeen oo uu  u arko sharaf in uu u soo hooyay dadka iyo dalka.

Safiirka Dalka Talyaaniga Jeneral Muuse Xasan oo sii hadlay ayaa sheegay in Daarta Safaaradda uu ka muuqdo bur bur xoog leh loona baahanyahay in dayactir lagu sameeyo, waxaana uu sheegay astaamaha muujinaya qaranimada Soomaaliya in durbaba ay ku xardheen xarunta Safaaradda.

Arag sawiro:

IMG_3810 IMG_7066 IMG_7066-1 IMG_7082