DAAWO SAWIRADA: Wiil Uu Dhalay Colonel Qaddaafi Oo Dil Lagu Xukumay.

0

Maxkamad ku taala dalka Libya, ayaa dil toogasha ah ku xukuntay wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Libya Colonel Qaddaafi, Saif al-Islam, iyo todoba qof oo kale.

Madaxii hore ee mukhaabaraadka, Abdallah al-Senousi, iyo ra’iisul wasaarihii hore Al-Baghdadi al-Mahmudi, ayaa sidoo kale dil lagu xukumay.

Maxkamada ayaa dhowr qof oo kale ku xukuntay xabsi daa’in iyo ilaa shan sano.

In kabadan 30 qof, oo u badan dad aad ugu dhowaa madaxweynihii xilka laga qaaday, ayaa sidoo kale maxkamad la soo taagay.

Waxaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo inay awood u isticmaaleen dad si nabad ah u dibad baxayay xilligii kacdoonka sanadkii 2011-kii.

Saif al-Islam, ayaa fiidiyoow kaga qeybqaatay maxkamada isaga oo jooga magaalada Zintan, halkaas oo ay ku heystaan koox horay mucaarad u ahayd.

Markii Saif Islam la qabsaday, ayaa la sheegay in laga jaray farta suulka ku xigta (murugsatada) oo uu caan ku ahaa inuu dadka ku taago.

Daawo sawiro:

inn

Saif al-Islam Gaddafi, son of late Libyan leader Muammar Gaddafi, attends a hearing behind bars in a courtroom in Zintan May 25, 2014. REUTERS/Stringer
Saif al-Islam Gaddafi, son of late Libyan leader Muammar Gaddafi, attends a hearing behind bars in a courtroom in Zintan May 25, 2014. REUTERS/Stringer

Former intelligence chief of Gaddafi's regime, Abdullah al-Senussisi (2nd row L), and other Gaddafi regime officials sit behind bars during a verdict hearing at a courtroom in Tripoli, Libya July 28, 2015. REUTERS/Ismail Zitouny

Former Gaddafi regime's officials sit behind bars during a verdict hearing at a courtroom in Tripoli, Libya July 28, 2015. REUTERS/Ismail Zitouny

Former intelligence chief of Gaddafi's regime Abdullah al-Senussisi (C) and other Gaddafi regime officials sit behind bars during a verdict hearing at a courtroom in Tripoli, Libya July 28, 2015. REUTERS/Ismail Zitouny