(Daawo-Video) Cabdiweli Gaas” Xasan Sh Maxamuud maaha nin miyir qaba, Galmudugna gobol iyo badh wuxuu u gooyo ayay leeyihiin”,

0

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo hadal u jeedinayey Jaaliyada reer Puntland ee ku sugan magaalada Nairobi wuxuu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Federalka iyo sidoo kale muranka dhinaca Xuduudaha ah ee Galmudug.

Wuxuu sheegay in marwalba shidadu ka imaanayso dhinaca Xamar sida uu hadalka u dhigay isagoo intaa ku daray in cidii muran gelisa Xuduudaha maamulkiisu aysan miyir qabin.

“Puntland waa maamulka keliya ee Dastuurka ku qoran waa maamul Federalka ka horeeyey maaha wax lagu murmi karo Xuduudihiisa cidii muran gelinaysa waa dad aan miyir qabin”, Ayuu yiri Cabdiweli gaas

Mar uu ka hadlay arinta Galmudug ayuu sheegay inaysan diidanayn in deriskoodu maamul helaan hase ahaatee loo baahan yahay in wax walba dastuurka la waafajiyo.

“Gobol iyo Badh waxay u gooyaan bay leeyihiin dadkaasi anagu kuma haysano intoodda”, ayuu hadalkiisa raaciyey Cabdiweli Gaas.

Hadalka Cabdiweli Gaas ayaa kamid noqonaya hadalada xanafta leh ee mudooyinkii danbe maamulka Puntland hawada u marinayey dawlada Federalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka magaalada Cadaado.