TOOS U DAAWO: Markab siday qaxooti dhan 3,500 oo Soomaali iyo Yemeniyiin ah oo gaaray Boosaaso.

0

Markab siday qaxooti gaarayay 3,500 oo isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin ah ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Qaxootigan ayaa u badnaa dumar iyo caruur, kuwaasoo ka soo cararay colaadaha ka jira dalka Yemen, waxaana la sheegay in Markabkan intii uu badda ku soo jiray ku dhex umalay dhowr haween ah.

Wasiir kuxigeenka arrimaha Gudaha ee Puntland C/llaahi Xaashi Qoob-deero ayaa sheegay in qaxootigan ay u soo dhoweynayaan, isla markaana ay ka caawin doonaan wax kasta oo ay u baahan yihiin, sida goobihii la dejin lahaa iyo haddii ay u baahan yihiin in gobolladooda la geeyo.

“Dadkan halkan soo gaaray waxaa uu Maamulka Puntland ugu tala galay inuu ka caawiyo wax walba oo ay u baahan yihiin, waxaan hadda u diyaarinay goobihii la dejin lahaa, qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada qabay iyo kuwo xanuunsanaa waxaa u dirnay goobaha caafimaadka”ayuu yiri C/llaahi Xaashi oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da.

Ma ahan markii u horeysay oo qaxooti isugu jira Soomaali iyo Yemeni ee ka soo carara colaada ka jirta dalkaas ee soo gaara magaalada Boosaaso, iyadoo Maamulka Puntland lagu ammaanay sida uu u soo dhoweeyay qaxootigan oo aanu u kala saarin Soomaali inteeda kale.

HOOS KA DAAWO VEDIO