(Daawo Video) Wasiirka Amniga Puntland oo ka qeybgalay Aas loo sameeyay Taliye Lagu dilay Garowe.

0

Waxaa magalada Garowe Ee xarunta Maamulka Puntland Lagu Aasay Taliyihii saldhiga Bari Garowe Siciid Pakistan Bulshaale oo dhaawac kasoo garaay shaqaaqo habeen hore ka dhacday agagaarka xarunta UN-ka u dhintay saakadii hore.

Aaska marxuumka waxaa ka qayb galay wasiiradda Amniga, caafimaadka, taliyayaal Ciidan, duqii hore ee Dagmadda Garowe iyo dadwayne kale kuwaasoo tacsi u diray ehalka iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumka.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) Oo Aaska Kadib Halkaasi ka Hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu hayo ninkii dilay allaha u naxariistee Taliyihii saldhiga bari Ee Garowe Siciid Pakistan Bulshaale.

”Kiiskan waa mid cad, cidii ninkaasi allaha u naxariistee dishay iyo cidii gacan siisay iyo meeshii fidnadu ka dhacday intaba gacantaa lagu hayaa, cidii ka qayb qaadatay maxkamad bay mutaysanaysaa, gacan ku dhiig lihii wuu xiran yahay, cidii kaloo ciidan ahayd ee gacan siisayna baaritaan ayaa lagu hayaa, afar Hay’adood baa loo saaray, gabadhii qaaska arrintu uga dhacday waxaa lasoo taagayaa maxkamadda ” Ayuu Yiri Wasiir Qarjab.

Dhinaca Kale Masuuliyiin Ka Tirsan Ciidamadda Amaanka Puntland iyo Madax Kale ayaaa Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuumka Dhawaan lagu Dhaawacay garowe, kadibna Maanta Ugeeriyooday.

Hoos ka daawo warbixin: