(Daawo-Video) Xildhibaan Jeesow ” Puntland waa maamul KMG ah wax dawlad goboleed ah dalka kama jiraan”,

0

Daahir Aamiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanadda Baarlamaanka ee Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya oo marti ku ahaa barnaamijka Xog ogaal oo ka baxa TV ga Royal ayaa sheegay in Puntland ay tahay maamul KMG ah welina aysan buuxin shuruudii maamul goboleed nimo.

“dalka wax maamul goboleed ah oo la aqoonsan yahay kama jiraan, kuwii hore u dhismay ha ahaadeen ama kuwa hada dhismaya ha noqdaane waxaa jira maamulo KMG ah aqoonsigooduna ku xiran yahay baarlamaanka Soomaaliya”, ayuu yiri Jeesow.

Dad badan oo qaarkood Telephone ka kaga soo qaybgaleen barnaamijka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka kasoo yeedhay nin masuul ah oo katirsan baarlamaanka dalka waxaana arintaasi lagu tilmaamay mid sii kala fogaynaysa umadda Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO VIDEO: