DEG DEG| SAWIRO:- Xaliimo Yarey Oo Loo Doortay Gudoomiyaha Doorashooyinka Qaranka+Waa Qof Noocee Ah?.

0

Munaasabada lagu dooranayay Gudoomiayaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Guddiga madaxabanaan ee Doorashooyinka Somaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankaasi waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin Ay Kamid Yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka,Agaasimaha Guud ee wasaarada arimaha gudaha ,Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha iyo Federaalka ,xildhibanao ka tirsan Baarlamanka Somaaliya iyo Xubnaha Gudiga Doorashoyinka Dowladda Somaliya.

Doorashadda ayaa aheyd Cod Gacan taag Ah Waxaanna Gudoomiye Loogu Doortay xaliimo ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey), Oo Horay Madax Oga Aheyd Gudiga Farsamadda Maamulka Gobolada Dhexe Ee Cadaado.

Dhinaca Kale Siid Cali Sheikh Maxamuud Ayaa Loo Doortay Gudoomiye ku xigeena Gudiga Doorashooyinka Dowladda Fedraalka ah ee somaliya.

Gudigan Maanta Wax doortay ayaa waxaa Dhaliilsan Qaarkamid ah Maamul Goboleedyada Dalka Oo Ay Ugu Weyntahay Puntland, Taas Oo U Aragta Mid Aan Lagala Tashan oo ay isaga dhawaqday dowladda Somaliya,

Daawo sawirada:

DSC00447DSC00445DSC00432DSC00430DSC00421DSC00407DSC00392DSC00382DSC00380DSC00379DSC00377DSC00363DSC00342DSC00334DSC00334 DSC00342 DSC00363 DSC00377 DSC00379 DSC00380 DSC00382 DSC00392 DSC00407 DSC00421 DSC00430 DSC00432 DSC00445 DSC00447