DEG DEG: Xukuumada iyo Baarlamaanka oo isku raacay in dalka doorasho Cod iyo Qof ka dhici karin 2016-ka.

0

Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uuna ka qeyb galay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada ayaa waxay ku shaaciyeen in sanadka 2016-ka doorasho xor iyo xalaal ah aysan ka dhici Karin dalka Soomaaliya.

Dowlada Federaalka uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud ayaa horay u sheegtay in dalka Soomaaliya ka dhaceyso doorasho Qof iyo Cod ah,islamarkaana ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ay igu si xor ku doortaan qofka daadihinaya.

Kulana maanta ayaa waxaa soo xaadiray 158-xildhibaan,waxaana kulanka sidoo kale lagu iclaamiyay shirweyne ka qeyb galaan Golayaasha Dowlada,maamulada dalka axsaabta siyaasadda, iyo bulshada rayidka la qabto si looga tashado doorashada suurta galka ah ee la qaban karo.

Qodobada Labada Gole ee Dowlada ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah.

1- Labada gole ee dowladda waxay isla garteen oo ay isku raaceen in sanadka 2016 dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah

2- In la qabto shirweyne heer qaran ah oo ay ka qeyb galayaan golayaasha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka, kaasoo looga tashanayo tallaabada ay dowladda qaadeyso si dalka doorasho uga dhacdo 2016 Agosto marka la gaaro, maadaama aanay dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah.

3- In qaban qaabada howsha hiigsiga 2016 iyo tallaabada dowladda qaadeyso lagu soo gaba gabeeyo dhamaadka sanadkan 2015, si 2016 shaqada u bilaabato.

Ugu dambeyn waxaa qodobada ay isku raaceen Xukuumadda iyo Baarlamaanka la hor geynayaa maalinta berri shirka looga hadlayo arrimaha Hiigsiga sanadka 2016 ee ay ka qeyb galayaan dowladda Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa ku tilmaamay in sanadka 2016-ka doorasho qof iyo cod ah dalka ka dhici Karin,sababo jira dartood,waxaana hada dalka ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowlada oo ka gacan ka helaya AMISOM iyo Al-shabaab.