DHAGEYSO:- Aas Balaaran Oo Muqdisho Loogu sameeyay Wariyayaa ku dhintay Weerarkii Muqdisho.

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho  lagu aasay Labo wariye oo ku dhintay weerarkii shalay Al-shabaab la beegsadeen Hotelka Jaziira ee magaalada Miqdisho.

Aaska wariyaasha waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliya ee (NUSOJ) iyo qaar ka mid ah wariyaasha ka howlgala Muqdisho,kuwaasi oo ka naxay geerida naxdinta leh ee ku timid Labadan wariye ee shaqada ay ku saaxiibeen.

Labada wariye ee maanta la aasay ayaa lagu kala magacaabaa Max’ed Cabdi kariin Macalin iyo Cumar Max’ed oo ka howlgalayay warbaahinta SBC ee ka jirta deegaanada Puntland iyo TV-ga Universal

Ugu horeyn ayaa goobta waxaa ka hadlay Max’ed Ibraahin Bakistaan oo ah xoghayaha guud ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliya,wuxuuna marka hore tacsi u diray dhamaan Saxafiyiinta Soomaaliyed iyo Ehalka Labada Wariye.

Bakistaan ayaa sheegay in gacan ka xaqdaran ay dishay wariyaasha,islamarkaana Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay xil iska saarto amanka wariyaasha u adeegaya Shacabkooda.

Sidoo kale,Weerarkii shalay ee lagu dilay Labadan wariye ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Wariye Salmaan Jamaal Siciid oo ka howgala Tv-ga Universal ,kaasi oo hada xaaladiisa caafimaad la sheegayo inay soo hagaageyso.

Hoos ka dhageyso Warbixin: