TOP NEWS:- Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay guddiga doorashooyinka qaranka

0

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ujeedadiisu ahaa cod u qaadida xubanaha gudiga madax banaan ee doorashooyinka qaranka ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qaabka cod u qaadida oo ahaa mid qarsoodi ah,ayaa waxaa kulanka maanta ee Baarlamaanka Soo xaadiray 187 xildhibaan.

Sida sharciga uu qabo xubinta ka tirsan labadan gudi waxaa ay ansax noqonaysaa marka ay hesho 94 cod, waxaana codadka u kala leheen sidan.

1.Siciid Xaashi Warsame, wuxuu heley 124 cod
2. Maxamed Xasan Thaani, wuxuu heley 120 cod
3. Xuseen Cabdi Aaden, wuxuu heley 119 cod
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed, wuxuu heley 129 cod

  1. Maxamed Axmed Nuur, wuxuu heley 117 cod
    6. C/rixmaan Cismaan Dirir, wuxuu heley 128 cod
    7. Maxamed Daahir Maxamuud, wuxuu heley 127 cod
    8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, waxaa ay heshay 102 cod
    9. Khadiijo Cosoble Cali, waxaa ay heshay 119 cod.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa soo xushay wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka,iyadoo kal hore xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay meel mariyeen isla markaana loo soo gudbiyay Baarlamaanka oo maanta isagana ansixiyay.

Gudigaan ayaa dadaal u geli doona sidii doorashado uga dhici lahayd dalka sanadka 2016-ka.