DHAGEYSO COD:- Kumannaan qofoo yaman ka soo cararay oo Boosaaso gaaray

0

Magaalada Boosaaso weli waxaa soo gaaraya maraakiibta sida dadka ka soo baxsanaya colaadaha ka taagan dalka Yaman, oo isugu jira Soomaali iyo dad u dhashay Yaman.

Qaxootigaas, tiradooda waxay gaareysaa ku dhawaad 2,500 oo qof.

Horraantii bishan ayey ahayd markii qaxooti 3,500 oo qof ka badan ay Boosaaso yimaadeen.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa BBC-da waxay uga warrameen dhibaatooyiinka ay la kulmeen.