DHAGEYSO COD | Sheikh Nuur Baaruud Oo Booqday Xerada Qaxootiga Boosaso.

0

Wafdi Uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Gudiga Badbaadada Qaxootiga Yemen Sheikh nuur Baaruud Gurxan Ayaa saaka soo gaaray magaaladda Boosaso ee xarunta Gobolka bari.

Wafdiga ayaa Waxaa Ku soo dhaweeyay duleedka Bari ee magaaaladda Boosaso Masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Bari, iyo Xumno ka tirsan Gudiga Gurmadka qaxootiga yemen ee fadhigoodu yahay magaaladda Boosaso.

Waxaanna soo dhaweyntooda ka dib ay booqdeen Xarunta Qaxootiga Dadka Ka soo qaxaya dalka yemen taas oo ku taalla magaaladda Boosaso ee xarunta Ganacsiga puntland.

Sheikh Axmed Yuusuf Daad Gudoomiyaha Gudiga Qaxootiga Yemen Ee fadhigoodu yahay Magaaladda boosaso ayaa Ugu Horeyn Sharaxaad ka Bixiyay Xaaladihii nololeed ee qaxootiga Hadda ku sugan deegaanada puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Waceys Dhado Oo isna dhiniciisa Halkaasi ka hadlay ayaa Sheegay in aysan wax culeys ah ku heyn Walaalohoodda Ka soo Barakacaya dalka Yemen, Wuxuunna sheegay iney ula simanyihiin dadka kale ee ku nool gudaha Puntland.

Sheikh nuur Baaruud Gurxan gudoomiyaha gudiga badbaada Qaxootiga Yemen Oo Halkaasi ka Hadlay ayaa Sheegay in Guud ahaan umadda somaliyeed ay ka warqabaan Gurmadka ay usameeyeen walaalaha yemen ee wali ka soo qul qulayaa dalka yemen, wuxuunna Sheegay in Puntland aan la gudi karin abaalkoodda.

HOOS KA DHAGEYSO: