DHAGEYSO: Codadka Xildhibaanada Galmudug oo 20-kun oo doollar lagu raadinaayo

0

Magaalada Cadaado oo ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku aadan doorashada madaxtinimada Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa lasoo sheegayaa in halkii cod ee Xildhibaanka lagu baadigoobaayo lacag aad u badan.

Warbaahinta ayaa baaris ay sameysay ku ogaatay in codka Xildhibaanka lagu raadinaayo inta u dhaxeysa 20-kun oo doolarka Mareykanka ilaa 15-kun.

C/laahi Maalin Gaafoow Aasparo oo Xildhibaanada Maamulka Galmudug ka mid ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay inay jirto lacagta lagu baadigoobaayo codka Xildhibaanka, wuxuuse ka gaabsaday inuu faah-faahiyo cadadka lacagta.

Musharaxiin uu ugu cad-cad yahay C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Magaalada Cadaado la dhex wareegaya lacagta, sidoo kale Axmed Macalin Fiqi ayaa isna la wareegay lacag.

Xildhibaanada Maamulka Galmudug iyaga ayaa dooranaya qofka ay u arkaan inuu qaban karo hogaanka Maamulka Gobolada Dhexe, balse meesha lacag ayaa taallo oo waxaa suuragal ah in Xildhibaanka uu doorto meesha uu ka helayo lacag badan.