TOOS U DHAGEYSO:- Dalalka Kenya iyo Zambia oo sheegay in ay ka qeyb qaadan doonan adkeynta amaanka Soomaaliya

0

Masuuliyiinta dowlada Kenya iyo Zambia ayaa ugu horeyn ka wada hadlay xiriirka dhanka ganacsiga ee u dhaxeeya labada wadan, kaasi oo la sheegay iney kordhin doonaan xiriirka labo geesoodka ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Zambia.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo masuuliyiin ka socota dowlada Zambia ayaa isla soo hadal qaaday adkeynta dhanka amaanka iyo ka qeyb qaadashada amaanka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha dalka Kenya ayaa ugu mahad celiyay madaxweynaha Zambia iyo dowladiisa sidii ay kaga qeyb qaateen xasilinta gobolka galbeedka Kenya oo marar badan dagaalo ay ka dhaceen.

Wuxuu sheegay in dowlada Zambia iyo madaxdeeda dowlada Kenya ay gacan qabteen xili ay u baahnaayeen taageero dhanka amaanka ah.

Kenya iyo Zambia ayaa isku raacay ka qeyb qaadashada amaanka dalka Soomaaliya oo ay sheegeen iney tahay muhiimada koowaad ee gobolka, taasi oo dan weyn ay ugu jirto wadamada gobolka ku yaala.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si cad u sheegay in ciidamada kaga sugan dalka Soomaaliya ay qeyb weyn ka qaadan doonaan dhameynta dagaalada iyo amni darada ka jirto qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Zambia ayaaa dhankiisa ku amaanay dowlada Kenya dadaalada nabadeed oo wadamada Africa qaar ay ka waddo, isagoo sheegay iney si dhow Kenya ay kala shaqeyn doonaan xaqiijinta amaanka.