DHAGEYSO:- Dalka Tunisia oo xaalad degdeg ah la geliyay

0

Madaxweynaha Tunisia, Bejji Caid Essibsi, ayaa xaalad degdeg ah kusoo rogay dalkiisa, kaddib markii todobaad ka hor uu nin hubeysan magaala xeebeedka Sousse ku dilay 38 dalxiisayaal ajaanib ah.

Xaaladda degdega ah ayaa socon doonta mudo 30 maalmood ah, sida uu sheegay madaxweynaha Tunisia.

Madaxweyne Essebsi oo shacabka dalkiisa la hadlay, ayaa sheegay in Tunisia ay u baahantahay kaalmo dibadda ah, si ay wax uga qabato dhibaatadda amni darro.

Waxa uu sheegay in xoriyada hadalka ay muhiim tahay, balse aan loo dulqaadan doonin kuwa sida xun u adeegsada.

Sharcigan cusub ayaa dowladda Tunisia siinaya awood ay ku dhaqan gelin karto talaabooyin kumeel gaar ah oo dhanka ammaanka ah. Waxa ay sidoo kale xakameyn kartaa xoriyada ah in ay dadka isu soo baxyo dhigaan.

Tallaabadan uu madaxweynaha shaaciyay ayaa kusoo beegmeysa 8 maalmood kaddib, markii weerar ka dhacay magaala xeebeedka Sousse, ay ku dhinteen 38 dalxiise oo British u badnaa.

Dhaqaalaha Tunisia ayaa in badan ku tiirsan dalxiiska, madaxda dalkanina waxa ay isku dayayaan in ay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo in weerar kale uu dhaco.

Bishii Maarso ee sanadkan, weerar ay rag hubeysan ku qaadeen madxafka Bardo ee ku yaalla caasimadda Tunis, ayaa waxaa ku dhintay 22 dalxiisayaal ajaanib ah.