DHAGEYSO:- Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Saudi Arabia oo xafiiskiisa si rasmi ah ula wareegay.

0

Safiirka cusub ee Soomaaliya u jooga dalka Sacuudiga mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa si rasmi ah xafiiska ugala wareegay danjirihii hore ee Soomaaliya ugu matalayay dalkaasi.

Munaasabad lagu qabtay safaaarada Soomaaliya ee magaalada Riyaadh ayay ka dhacday Xil wareejinta,waxaana ugu horeyn ka hadlay safiirka cusub Daahir Maxamuud Geele oo ku dheeraaday waxqabadkii wanaagsanaa ee safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray dalka Saudi Arabia Mudane Axmed Cabdalla uu ku tilaabsaday.

Wuxuu sheegay mudane Daahir in hada howsha halka ay taagan tahay uu ka sii wadi doono,islamarkaana adkeyn doono xiriirka Labada Dowladood waa Sacuudiga iyo Soomaaliyee.

Ugu danbeyntii,waxaa goobta xaflada xil wareejinta ay ka dhaceysay ka hadlay Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Saudi Arabia mudane Axmed Cabdalla,isagoona cadeeyay in howsha uu ka soo bilaabay meel adag hataan la marayo meel wanaagsan,wuxuuna ku dhiira geliyay safiirka cusub inuu si hufan u la shaqeyn doono.

Mudane Daahir Maxamuud Geele,ayaa ka mid ahaa in ka badan 5-safiir uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Wuxuuna horay u soo noqday Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadii KMG ahayd.