DHAGEYSO:- Eedeymo kulul oo loo jeediyay Madaxweynaha Puntland

0

Nabadoon Xasan Aadan Maxamed Xasan oo ka mid ah Nabadoonada mid ka mid ah Beelaha dega Deegaanada Puntland oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa Eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas.

Nabadoonku waxa uu sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu ku fashilay hogaaminta Shacabka ku noolDeegaanada Maamulka Puntland uu ka taliyo.

Nabadoon Xasan Aadan ayaa sidoo kale sheegayin ay Kalsoonida kala laabteen Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo guud ahaan maamulkiisa.
Waxa uu sheegay in Beelaha Cali Saleebaan ay si cad ugu soo horjeedaan sii shaqeynta Maamulka uu hogaaminayo C/weli maxamed Cali Gaas isla markaana aysan raali ka ahayn.

Nabadoon Xasan Aadan Maxamed Xasan ayaa xusay in sidii uu hogaanka Puntland u qabtay C/weli gaas in ay meesha ka baxday kala dambeyntii iyo Cadaaladii ka jirta Deegaanada Puntland.