DHAGEYSO:- Hadliye ”Weerarada Al-shabaab ay Muqdisho ka fuliyaan waan ka hortageeynaa”

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar oo la hadlay Idaacada VOA ayaa Faah-faahin ka bixiyay Weerar Al-shabaab sheegteen oo ka dhacay Hotelka Jaziira Ee Magaalada Muqdisho.

C/salaan Hadliye Cumar Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Weerarada ay geeysanayaan Al-shabaab in aysan saameeyn ku yeelan doonin Howlaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xaqiijinta Amniga.

“Qaraxyada Al-shabaab ay ka geeysanayaan  Magaalada Muqdisho iyo Soomaaliya Saameeyn kuma jeelan doonto Joogitaanka Danjireyaasha Soomaaliya Jooga iyo Shaqaalahooda”ayuu yiri Hadliye.
Wasiirka yaa intaa ku daray in Weerarada Al-shabaab ay ka Fuliyaan  Magaalada Muqdisho ay ka hortagayaan Cidamada Amaanka Soomaaliya.

Qaraxa Hotelka Jaziira lagu Weeraray ayaa waxaa sheegtay  Al-shabaab waxaana ku dhintay ugu yaraan 17 Ruux iyo dhaawac ku dhaw Sodon kale.

HOOS KA DHAGEYSO