TOOS U DHAGEYSO:- Imaaraadka Carabta oo Afurin Muqdisho ugu sameeyay qoysas dan yar ah

0

Hay ‘ada Bisha Cas ee Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Maanta Raashiin Afur ah u qeybisay in ka badan 500 Qoys oo dhamaantood ahaa Qoysas danyar ah oo ku nool Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Raashiinka loo qeybiyay qoysaskaan ayaa u badnaa kuwa Baseyl ah isla markaana loogu tala galay in qoysaskaasi ay Afrur, Casho iyo Weliba Iney ka dhigtaan Saxuur oo raashiin kala duwan ah.

Cali Cabdulle Aadan oo ka mid ah Masuuliyiinta Hay’ada Bisha ee Dowlada Imaaraadka carabta oo Warbaahinta kula hadlay Goobta lgu bixinaayay Raashiinkaasi ayaa ka warbixiyay Barnaamijka Afrurinta iyo Ujeedka Hay ada Bisha Cas ee Dowlada Imaaraadka Carabta ka leedahay.

Masuulkan u hadlay Hay’ada Bisha Cas ee Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadaan gargaarkan isla markaana ay joogteynayaa galab walbo kana qeybinaya Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Waxa Warbaahinta la hadlay oo u mahad celiyay Hay’ada Bisha ee Dowlada Imaaraadka Carabta Gudoomiyaha Degmada Shangaani Axmed Xasan Yalaxoow.

Hay ‘ada Bisha Cas ee Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa sanad walbo xilligaan oo kale ka fulisa Degmooyinka Gobolka Banaadir Barnaamij Afurin ah oo ay ugu tala gashay iney ka faa’iideystaan Qoysaska dan yarta ah eek u nool Degmooyinka Gobolka Banaadir.