TOOS U DHAGEYSO:- Maamulka G/Bakool oo sheegay in ay bilaabayaan howgal lagula dagaalamayo Al–Shabaab

0

Gudoomiyaha Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Bakool inay isku diyaarinayaan howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadaasi ay si weyn ah iskugu diyaariyeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii Guud ahaan Gobolka bakool loogu saari lahaa Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Bakool ku hayaan dhibaatooyin kala duwan isla markaana ay ka cirib tirib tirayaan gobolka.

Ururka Al-Shabaaab aya waxay joogaan oo ay Maamulaan deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool, waxayna mararka qaar ka soo qaadaan Weeraro ay ku bartilmaameedsanayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom.