TOOS U DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo mar kale si kulul kaga hadashay dhismaha Maamulka G/Dhexe

0

wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay dooda Puntland ay ka qabto maamulka Gobalada dhexe ee dhismihiisu wali ka socdo magaalada Cadaado.

Wasiirka ayaa Fariin u diray Madaxda Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxa uu sheegay in aysan aqbali doorin Maamulka Puntland in lagu Xad gudbo Sharciga Dalka u yaalla iyo sidoo kale Dastuurka Dalka.