TOOS U DHAGEYSO:- Madaxweynaha oo sheegay dacwada Badda Somalia inay taallo maxkamada QM

0

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay kiiska ku saabsan muranka xuduuda badda ee u dhaxeeya Dowladda Somalia iyo Dowladda Kenya.

 

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in kiiskaan weli uu hor yaallo maxkamada Cadaalada aduunka oo aan wali la furin, balse ay rajeynayaan in wax laga qabto.

 

Madaxweynaha wuxuu sheegay in Dowladda Somalia mowqif cad ay iska taagtay arimaha badda Somalia, sidoo kalena marna aysan raalli ka noqoneyn in lagu soo xadgudbo badda Somalia.

 

“Dowladda Soomaaliya mowqif cad ayay iska taagtay arinta ku saabsan xuduuda badda waa nala ku cadaadiyay waa nala ku cabsi geliyay dhinaca walba ayaa nalaga tusay si aan uga aamusno oo aan ka gaabsano shirar badan ayaa ka yeelanay waa la isku fahmi waayay sidaa darted kiiska waa loo gudbiyay maxkamadda cadaaladda Aduunka”, ayuu markale yiri Mudane Xasan.

 

 

Kenya oo hada Somalia dhul ka haysata ayaa hamigeeda wuxuu yahay inay qayb ka mid ah badda Somalia ay qaadato, xilli umadda Somaliyeed ay isku mashquulsan yihiin, halkii difaaca dalkooda ay ku mashquuli lahaayeen.