TOOS U DHAGEYSO: Cabdiwali Gaas “Xuduudooda Noqon Meyso Nugaal Ee Tan Puntland Baa Noqon Doonta Godinlabe Iyo Guriceel”.

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay hadii aan la joojin faragelinta lagu haayo dhulka reer Puntland in Puntland xuduudeeda ay noqonayso meelo ka mid ah Gobolka Galgaduud.

Isaga oo ka hadlaayay munaasabad loogu dabaaldagaayay 1-da Luulyo ayuu C/wali Gaas sheegay in xuduuda Maamulka Puntland ay noqon doonto sida uu yiri Godinlabe iyo Guriceel oo ka tirsan Galgaduud.

” Waxaa hubaal ah in xuduuda Puntland noqon doonto Godinlabe iyo guriceel haddii aan la joojin faro galinta lagu hayo dhulka Puntlad, ayuu yiri madaxweynaha Maamulka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in maamulkiisa uu doonaayo nabad.

“Puntland nabadeeda iyo horumarkeeda midna gorgortan kala gelimayso maamul gacan ku rimis ah oo dowladda federaalka dabada ka riixayso, waana ku kalsoonahay in qof kasta oo Puntland ah uu nabad ku seexdo, kana daali mayno raadinta Soomaali midaysan,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Puntland iyo Maamulka la jaarka ah ee Galmudug, ayaa waxaa u dhaxeysa xiisad ku saabsan dhanka xuduudaha, xilli Maamulka Galmudug Dastuurkiisa lagu qoray in xuduuda uu la wadaago Puntland ay tahay Gobolka Nugaal.

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso