TOOS U DHAGEYSO:- War Cusub oo ka soo baxay Gudiga doorashada Madaxweynaha Galmudug

0

Farxiyo Xasan Cali oo ka mid ah Guddiga Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug oo la hadashay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixisay halka ay marayaan Musharaxiinta u tartameyso qabashada Xilka Madaxtinimo ee Maamulkaasi.

Farxiyo Xasan ayaa sidoo kale sheegtay in 5 Musharax ay u taagan yihin qabashada Xilka Madaxtinimo ee Maamulka Galmudug, waxayna sidoo kale sheegtay in 3 Musharax kale ay u taagan yihiin qabashada Xilka Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Farxiyo Xasan Cali ayaa ugu dambeyn shaacisay in Maalinta Sabtida ee soo socota oo ay taariikha ku beegan tahay 4-Luulyo ay dhici doonto Xaflada lagu dooranayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.